Sidee loo sameeyaa? - Bar ama Baro
Barashada = Aqoonta
Qor Qoraal :: Qor Su-aal :: Su-aalaha :: Qoraa Noqo :: Forum
English RRS Feeds
 
 
Baar Bogan
Maadooyinka Casharada
Xayeysiinta
Visitors September: 46825
Khasaaradii Ganacsade Kamaal
Bookmark and Share
Wabaa waxaa jiray nin ganacsade ah oo la oran jiray Kamaal Burweyn, wuxuu ku noolaa magaalada Burweyn. Kamaal wuxuu ahaa nin qani ah laakiin aan reer, caruur, ehel, iyo saxiib aan lahayn. Kamaal waxa kaliya uu yaqaanay wuxuu ahaa sida loo ganacsado.

Maaliin maalmaha ka mid ah, Kamaal isaga oo makhaayad ka cunteynaya ayuu wuxuu maqlay boqoradii magaalada burweyn oo ka hadleysa sidii ay ku kasbatay maalkeeda. Kamaal wuxuu maqlay boqorada oo leh “anoo safar ah oo labo mukulaalood wata ayaan waxaan kusoo hoyday, boqorkii Hindiyada galbeed oo gurigiisa jiir buux dhaafiyey. Markii martidii boqorka cuntada loo keenay ayaa jiirkii meelkasta isaga soobaxay oo cuntadii naloo keenay qeyba gees ka gashay. Boqorku wuxuu dalbaday ciidankiisii iyo shaqaalihiisa in ay jiirka cuntada ka celiyaan laakiin si kasta ay u celiyaanba way awoodi waayeen. Anaa boqorkii waxaan ku iri, anaa haya xalka jiirka. Boqorkii wuu yaabay oo astacajabay oo yiri, waa maxay xalka jiirka ciidankii Hindiya ka xoogbatay. Waxaan soo baxshay labadeydii bisadood aan watay. Labadii bisadood daqiiqado gudahood ayey ka dhigeen jiirkii mid carara iyo miday cunaan. Markaas kabacdi boqorkii wuxuu hadiyad iisiiyey labo darbaal oo dahab ah oo ka badan maaliyada dalkeyga”.

Markii Kamaal sheekadii boqorada Burweyn maqlay, ayuu wuxuu ku fakaray “hadaan doon buuxda oo hadiyad ah u geeyo boqorka galbeedka hindiya, ana wuxuu isiinayaa labo darbaal oo dahab ah”. Kamaal wuxuu qaaday doon bucsharo ka buxuudo sida kabo, dhar, cunto, iyo qalab wuxuuna u geeyey boqorkii galbeedka hindiya. Markuu boqorkii u tagay ayaa kamaal wuxuu ku yiri boqorka, “waxaan kuu wadaa hadiyad”. Boqorkii wuu farxay markuu arkay hadiyada aadka u qiimaha badan uu Kamaal wado wuxuuna yiri “Inakeen anna waxaan ku siinayaa hadiyad”. Intuu boqorku siiwaday, kamaal wuxuu ka fakarayey dahabka boqorku siin doona intuu tira la eg yahay. Markey gaareen gurigii boqorka, boqorkii wuxuu soo qaaday bisad yar oo yiri “Kamaalow bisadani waxay ka qiima badan tahay waxa bucsharo hindiya yaal, waxayna ka xoog badan tahay ciidanka carigeena ee hadiyad ahaan iiga gudoon. ”

Kamaal wuxuu soo qaatay bisadii isagoo aad u niyad jabsan. Intuu bada kusoo jiray, Kamaal wuxuu helay saaxiib bada la mara, markuu magaaladii Burweyn kusoo dhawaa ayuu niyada iska yiri “safarkani wuxuu ahaa kaan ugu khasaaraha badnaa, wuxuu kaloo ahaa kaan ugu farxada badnaa, ileyn wax nooli waa wehel!”.

Qoraaga: Abdirahman Sh. Abdisalam
Bookmark and Share
Qoraha: esomali.comWakhtiga Laqoray: 2010-05-14
Qiimee ama u codee qoraalkan
 
Qorayaasha
Gal - Login
Isqor - Register
Linkiyada
Ufeyn.com
Consumervote.com
BestMuslim.com
PCTalkNet.com
 
Wixii akhbaar ah iyo hadaad casharo noosoo gudbineysid nagala soo xiriir email ka: admin@esomali.com
Design By KWWebService.com
Barashada computer ka, wax barashada, cilmiga guud, barashada technology ga, barashada windows ka, barashada dhaqaalaha, barashada afsoomaaliga, barashada somaliga.