| Baar Bogan |
|
|
| Maadooyinka Casharada |
|
|
|
Is-intixaan Madadaalo aqoon siyaadsi
|
| Xayeysiinta |
|
|
|
|
|
| Sheekada Dhakhtar, Wadaad iyo Beenhawaas (Siyaasi falkiis) |
Waabaa waxaa meel kawada safray sadex nin oo mid wadaad yahay, midna dhakhtar yahay, kankalena xirfad aan been ahayn ma laheyn. Waxay ku faqriyeen dhulkoodii marka waxay u bexeen inay bada ka gudbaan iyagoo raadinaya dhul kooda ka qanisan ama ka fursad badan. Waxay socdaanba waxay yimaadeen magaalo bada ku dhow dadkeeduna dhaqan yahay guryaheeduna aad u quruxbadan yihiin. Markii la weydiiyey xirfadooda, wadaadkii magaaladiibaa bariday inuu joogo shaqana siiyaan si uu quraanka iyo diinta u baro dadka magaalada. Sidoo kale dhakhtarkiina magaaladii baa bariday in uu joogo uu dadka daaweeyo. Ninkii sadexaad oo ahaa beenlow magaciisuna ahaa Beenhawaas markii la weydiiyey xirfadiisa wuxuu yiri waxaan ahay Siyaasi, shaqona kama helin magaaladii ay yimaadeen maadaaba ayan cirfad magalaada looga baahan yahay aheyn.
Beenhawaas wuu ku busaaraday magaaladii badiina kaligi inuu gudbo waa ku dhiciwaayey. Subax kasta markii waagu baryo, Beenhawaas wuxuu aadi jiray oo isku dayi jiray inuu bada gudbo, markii maalintu kala bargaadhona wuu soo noqon jiray. Maalintii danbe ayuu bada ku dhumay. Isagoo dhunsan oo naf ah ayaa waxaa helay markab dhulkale u sucda. Way soo qaadeen oo waxay keeneen xeeb magaalada ku dhow, waxayna siiyeen dhar aad u qurux badan iyo kabo. Markuu soo laabtay, ayey dadkii weydiinyeen meeshuu ku maqnaa iyo dharka quruxda badan uu wato. Beenhawaas wuxuu yiri, waxaan soo arkay dhul danbaska guryaha gubta dahab ka yahay oo jawaankii danbas ah ba jawaan dahab ah lagu badasho. Dadkii magaalada daganaa waxay isugu soo bexeen inay dhageystaan Beenhawaas iyagoo caqligoodu qaadan la yahay warkiisa haday beeniyaana ka baqaya in fursad dhaafto.
Beenhawaas wuxuu yiri anigu guri malihi ee qofkii raba inuu qani noqdo gurigiisa ha gubo danbaskoo jawaano ku jira iyo doonta doonyaha ugu mugweyn subixii iikeeno, midkastana dahabkaan usoo celiyo ayaan dulaal ka rabaa. Habeenkii intaan waagu baryin ayaa dadkii magaalada daganaa oo dhan guryohoodii , rugtoodii ganacsiga, iyo doonyahoodii gubeen iyagoo danbaska jawaano ku cabeynaya. Subixii ayey u keeneen doon wanaagsan iyo danbaskii raasumaalkooda. Beenhawaas doontii buu kaxaystay danbaskiina baduu ku shubay. Markuu badwenta marayey ayaa doontii ka dagtay. Nasiib wanaag Beenhawaas waa kasoo dabaashay bada oo nolol ayuu kuyimid biriga. Dadkii magaaladuu gubay ayuu dib ugu soo laabtay isagoo fara maran. Markii laweydiiyey Beenhawaas wuxuu yiri, “doqoniimo ayaad sameyseyn oo doon culeysbadan aan qaadi karin ayaad ii dhiibteen”. Wuxuu u sheegay in dahabkii doonta ka culeysbatay oo ay soo qaadi weysay. Wuxuu yiri waa inaad ii dhistaan doon xoogbadan, culeysna uusan dajinkarin. Dadkii magaalada Beenhawaas waxay u dhiseen doon ayan waligood horay u dhisin xoogeeda iyo dabaqadeeda. Beenhawaas doontii ayuu ku tagay dhulkale aan laga aqoon wuxuuna warqad usoo diray magaaladii uu cayreeyey. Warqada wuxuu ugu sheegay in shiikh iyo dhakhtar ayan daaweyn karin siyaasi falkiis hada kabacdina ay iska ilaaliyaan in siyaasi ay busaarad ku dilaan.
Qoraaga: Cabdiraxmaan Sh. Cabdisalaam
| | Qoraha: esomali.com | Wakhtiga Laqoray: 2010-04-24 | Qiimee ama u codee qoraalkan | | | | |
|
|
|