Sidee loo sameeyaa? - Bar ama Baro
Barashada = Aqoonta
Qor Qoraal :: Qor Su-aal :: Su-aalaha :: Qoraa Noqo :: Forum
English RRS Feeds
 
 
Baar Bogan
Maadooyinka Casharada
Xayeysiinta
Visitors September: 9989
Dhalinta Soomaaliyeed
Bookmark and Share
ugu horayn waan salaamayaa dhamaan umada soomaaliyeed gaar ahaan dhalinta sidaydoo kale da.da yar ee soo kobcaysa.

bacda salaan aniga waan ku cusbahay bogan waxayna tahay markii ugu horaysay ee aan oraahdayda ka dhiibto halkan xaqiiqdiina waxay ii tahay farxad iyo naruuro waxaana aan jeclahay iyada oo ay maanta tahay maalinkaygii ugu horaysay in aan ku guubaabiyo dhalinta soomaaliyeed meelkasta oo ay aduunka ka joogto dardaaran isla markaana aan uga digo docda iyo bohosha maanta ina dhigtay halka aan joogno iyo ka fikirka sidii aan haf uga dhihi lahayn hooga inadabakacay.

ugu horayn waxaan leeyahay dhalinta soomaaliyeed garta in aad tihiin xudunta iyo halbawlaha umada isla markaana aad tihiin leerka soo bidhaamaya ee ay umadu sugayso xil iska saara badbaadinta iyo baxnaaninta shacabakeena ildaran iyo dalkeenii oo aad aragtaan inuu yahay mid liita isla markaana u baahan iskaashi iyo isu tag dib boorka looga jafo. sidoo kale waad aragtaan wax garadkeenii masuuliyiinteenii iyo siyaasiyiinteenii dhamaantood inay ku takrifalayaan qayraadkii iyo munaaficaadyadii kala dubanaa ee uu dalku lahaa majirto wallaahi cid ku fikiraysa bacriminta wado cusub oo loogaga baxayo walbahaarka maanta jira ilaa kuwa danahooda gaarka ah eeganaya islamarkaana nagu soo gaarsiiyey mudadan 20ka sano loo sii soconayo dhalanteedka iyo madadaalada dawlad aan jirin iyo riwaayadaha raqiiska ah ee lagu leeyahay waa qarankii.

wallaahi majirto cid ka fikiraysa danaha umada iyo kan dalka wallaahi ma jirto cid ka hadlaysa xasuuqa misaakiinta iyo xaabalayda aan waxba galabsan. wallaahi ma jirto cid diirada saaraaysa baabi.inta umadeena maatada ah iyo laynta biramageydadaaan salka ku lahayn loolanka maanta jira. wallaahi ma jirto cid dib u eegeysa dhiigan daadanaya iyo barakaca sii balaaranaya ee umadeenii ku habsaday. wallaahi ma jirto cid xitaa ku buraarugsa abaaraha lagu dhamaanayo iyo gaboodfallada uu gaalku ka gaysanaayo dalkeena.
ogaada dhalinyarooy dilka iyo xasuuqa maanta soconaya cidbaa ku dhergaysa cidbaa danku wadata cidbaa ganacsi uu u noqday laakin ilaahay subxaanahu watacaalaa wuu arkayaa isaga ayaana la xisaabtami doono.

subxaanallaah war dhalinyarooy duulkii aan ku tashanaynay waakuwaa sidaa noqday waxaan idinkula dardaarmayaa noqda door cusub oo iska kaashada samata bixinta dalkeenan ooman iyo dadkeena tabaalaysan ogaada in aad kasoo baxdeen guri mugdi ah hala xifaaltamina asaagiina qawmiyadaha kale ha isu ekeysiinina umadaha kale ee aduunka haku qancina nolosha wadan shisheeye
ilaa aan wadankeenii dib ugu noqonno inta horay u joogtay aan la garab istaagno baadigoobka nabadgelyadii iyo qaranimadeenii.

dhalinyarooy niyadiina haka saarina dalkiinii in uu buur qarka ka saaranyahay badbaadintiisana uu inagu nasugaayo. sal haku lahaanina qurunka iyo qabyaalada haku fikirina xumaanta iyo xaasidnimada tusmaysi hanagu filnaato intii lasoo maray.

waxaan nahay umad islaama kama maaranno dawladnimo iyo isku duubni kama maaranno shareecada ilaahay ee islaam dhalinyarooy aniga waan ka quustay da.weynta maanta wax laga sugaayee bal inaga gacmaha aan is qabsanno aan garanno xanuunka iyo laxawga uu leeyahay dagaal sokeeye iyo burburka laga dhaxlay qilaafkii ina dhexmaray aan ogaanno natiijo xumadii laga dhaxlay laga dhaxlay jeeb buuxsiga iyo musuqa ee uu nin waliba ku doonaayey in uu isaga ka dhergo labeentii umada iyo khayraadkii dalka.

dib aan u eegno umadeenii sida ay ugu tabaaleysantahay daaafyaha aduunka diintii way hareermareen caruurteenii ku dhalatay qurbaha aan ka murugoonno aan ku xisaabtanno inaan dib usoo ceshanno dadka inaga maqan ee diintooda ay maanta qilqiilka ku jirto dhalinyarooy maskaxdeena yaanan ka saarin inaan ka fikirno sidii aan uga dhigi lahayn guriga mugdiga ee madaw aan kasoo baxnay mid bidhaamaaya isla markaana laloolama asaagiisa la jaarka ah.

sida aan horay uga soo shanqariyeyba aan iska dhawrno qurunka iyo qablaayada aan iska ilaalinno hagarta iyo hagardaamada niyada aan sifayno way.aragnimo haynagu filnaato intii lasoo maray.

aan kala baranno waraabaha ina cunaya iyo waxgaradka inoo roon aan kala ogaanno kan caadilka inoo ah iyo cadawgeena ah aan kala saarno saxarka iyo samaanta yaanan isku qaldin kan wanaagsan iyo kan xun yaanan taageerin kan umada hagardaameynaaya aan ka hotagno duul waliba oo umada mijiyoxaabinaya isla markaana wiiqaya sumcadeena sharafkeena inta uu curdanka yahay.

yaanan u gogolxaarin qorsha waliba oo umada lagu waxyeeleynaayo yaanan ogolaanin talada iyo tusaalaha uu cadawgu bixinaayo gacmo wada jir bay wax ku gooyaane dhalinyarooy aan wax ka badalno qulqulatooyinkan ku salbalaartay dalkeenii iyo xiisadahan gallaafanaya nuurka iyo aayatiinka nolosheena dhalinyarooy wayga guubaabee geeri xanuun badan iyo gubasho tii ugu darnayd gamaar inooma harine garaadku ha shaqeeyo gugii horey iyo wixii lasoo maray kal hore maantaba aan ka gilgilannoo yaanan ka gaabsan gayigeenii cadawgiyo bulsha waynta caalamku ay ku gorgortamayaan kii aan garneel aboodin yuu dib u gurane xaajadu ma samee garuunka xitaa lasoo bax.

kaah_150@hotmail.com



Bookmark and Share
Qoraha: c.risaaq ciiloowWakhtiga Laqoray: 2009-12-07
Qiimee ama u codee qoraalkan
 
Qorayaasha
Gal - Login
Isqor - Register
Linkiyada
Ufeyn.com
Consumervote.com
BestMuslim.com
PCTalkNet.com
 
Wixii akhbaar ah iyo hadaad casharo noosoo gudbineysid nagala soo xiriir email ka: admin@esomali.com
Design By KWWebService.com
Barashada computer ka, wax barashada, cilmiga guud, barashada technology ga, barashada windows ka, barashada dhaqaalaha, barashada afsoomaaliga, barashada somaliga.