| Baar Bogan |
|
|
| Maadooyinka Casharada |
|
|
|
Is-intixaan Madadaalo aqoon siyaadsi
|
| Xayeysiinta |
|
|
|
|
|
| Sheekada Timir iyo Qoyskiisa |
Waabaa waxaa jiray wiil Timir la dhaho, Timir wuxuu ahaa 9 jir. Timir wuxuu ahaa wiil aad u naxariis badan oo u adeega awowgiis iyo ayeydiis oo waayeel ah sidoo kale kaalmeeya hooyadiis iyo aabihiis. Timir wuxuu lahaa labo walaalo ah, oo ah Maryan oo 3 jir ah iyo Guure oo 5 jir ah. Timir qoyskiisu waxay ka koobnaayeen hooyadiis Faadumo, Aabihiis Sahal, awowgiis Mustafa, ayeydiis Barni, iyo labadiisa walaal. Timir magaciisa sadexan wuxuu ahaa Timir Sahal Mustafa. Timir wuxuu ahaa wiil ilaaliya walaalihiisa ka yar yar, kana kaalmeeya wax barashada iskuulka iyo quraanka.
Timir aabihiis wuxuu ahaa injiniir guryaha dhisa, hooyadiisna waxay laheyd dukaan. Timir subixii markuu kaco, wuu cadayan jiray, kabacdina wuu weesaysan jiray, wuxuuna tukan jiray salaada subax kabacdina wuxuu baran jiray casharadiisa iskuulka iyo kuwa dugsiga quraanka. Markii wakhtiga iskuulka lagaaro, Timir wuxuu gashan jiray dharkiisa iskuulka dhexe, buugtiisa ayuuna qaadan jiray, wuxuuna aadi jiray iskuulka. Timir wuxuu ahaa mid salaama qofkasta oo kasoo horbaxa markuu dhabada socdo, wuxuuna ahaa wiil aad u edeb badan lagana jecel yahay dariska iyo xaafada uu daganaa. Timir wuxuu ahaan jiray ardeyga ugu horeeya e fasalka yimaada.
Markii iskuulka lagasoodaayo oo ah wakhtiga qadada, Timir wuxuu imaan jiray guriga, wuu qadeyn jiray wuuna seexan jiray ilaa wakhtiga dugsiga laga gaaro. Timir wuu qubeysan jiray markuu hurdada ka kaco galabtii, wuxuuna aadi jiray dugsiga quraanka.
Maalinta khamiista iyo jimcaha Timir wuxuu ciyaari jiray banooniga kubada cagta, wuxuu kale oo booqan jiray guryaha qaraabadiisa sida habaryartiis, abtigiis, eedadiis iyo adeerkiis oo wuxuu la ciyaari jiray walaaliis. Timir wuxuu lahaa ilma adeer, ilma habreed, ilma abti, iyo ilma eedooyin markii leysku daro aad u tira badan.
Qoyska iyo Qaraabada

| | Qoraha: esomali.com | Wakhtiga Laqoray: 2009-12-05 | Qiimee ama u codee qoraalkan | | | | |
|
|
|