Sidee loo sameeyaa? - Bar ama Baro
Barashada = Aqoonta
Qor Qoraal :: Qor Su-aal :: Su-aalaha :: Qoraa Noqo :: Forum
English RRS Feeds
 
 
Baar Bogan
Maadooyinka Casharada
Xayeysiinta
Visitors September: 9990
Libaax, Dhurwaa, Dawaco iyo Raqdii habar dugaag
Bookmark and Share
Dhurwaa ayaa wuxuu dilay hal geel ah. Sida lagu yaqaan dhurwaa markuu neef dilo wuu isugu habar wacdaa oo wuu qeyliyaa si dhurwaayada kale ugu yimaadaan. Qayladiisii waxaa maqlay intii dugaag cariga joogay. Waxaa raqdii jimid, libaax, shabeel, haramcad, jiifaa, gaduudane, dawaco, dhidar, weer calaan, iyo intii hilib cuntoo dhan. Markey raqdii isugu yimaadeen, dhurwaa markuu libaax arkay wuxuu yiri anaa raqda qeybinaya. Libaax wuu u dhaafay oo wuxuu yiri qeybi raqda. Dhurwaa wuxuu yiri
“Ma lug, mase lug, lug libaax baa leh, lugna haraagaa leh”, haraaga oo micnaheedu yahay inta kale dugaaga.
“Ma geeni, mase masejeeni, jeeni libaax baa leh, jeenina haraagaa leh”
“Ma sarar, mase sarar, sarar libaax baa leh, sararna haraagaa leh”
“Ma dhag, mase dhag, dhag libaax baa leh, dhagna haraagaa leh”
“Ma misig, mase misig, misig libaax baa leh, misigna haraagaa leh”
“Wixii qeybsama waa qeyb libaax, waxaan qeybsamina quud ma aha”
Markuu intaas yiri ayaa libaax xanaaqay oo dharbaaxo ku qaaday dhurwaa. Dawaco ayaa soo booday oo tiri libaaxow qeyb anaa aqaan markaas libaax ayaa yiri dawacow qeybi.
Waxay tiri.
“Ma bar mase bar, bar libaax baa leh, inta kalena waa qeyb”. Waxay tiri Inta qeybta ah aan qeybiyo libaax markuu qeybtiisa qaato. Inta qeybta ah na waa saan ayey tiri.
“ Lag ninkiii ladan baa leh e libaax u dhaaf, dhidar wuu dhafraa ee dhagta u goo, dhurwaa dharbaaxaa ku dhacday hambada ha sugo, shabeel sharaf mudan e shanshada qaarkeed u dhiib, haramcad weyska howdjooge haf yar u goo, dawaco ma dhuunweynee inta dhexaa ku filan, gaduudane garabka hilib yar uga goo, wixii harayna libaax iyo dawaco wax uga daya”.

Libaax wuu qoslay oo yiri, dawacow yaa qeybta ku baray adiga. Markaas ayey tiri, dhaban dhurwaa dharbaaxadii ku dhacday ayaa qeybta I bartay.

Akhri Diin iyo Dawaco
Bookmark and Share
Qoraha: esomali.comWakhtiga Laqoray: 2009-12-01
Qiimee ama u codee qoraalkan
 
Qorayaasha
Gal - Login
Isqor - Register
Linkiyada
Ufeyn.com
Consumervote.com
BestMuslim.com
PCTalkNet.com
 
Wixii akhbaar ah iyo hadaad casharo noosoo gudbineysid nagala soo xiriir email ka: admin@esomali.com
Design By KWWebService.com
Barashada computer ka, wax barashada, cilmiga guud, barashada technology ga, barashada windows ka, barashada dhaqaalaha, barashada afsoomaaliga, barashada somaliga.