| Baar Bogan |
|
|
| Maadooyinka Casharada |
|
|
|
Is-intixaan Madadaalo aqoon siyaadsi
|
| Xayeysiinta |
|
|
|
|
|
| Diin iyo Dawaco |
Waabaa waxaa jiray Diin iyo Dawaco oo daris ah. Dawaco riyo caata ah bay laheyd Diina ido buurbuuran buu lahaa. Qofba xoolihiisa mid ka mid ah ayuu qalan jiray asbuuciiba mar. Dawacadu aad ayey uga maseyri jirtay idaha diinka maadaaba ay aad uga buurbuuran yihiin riyaheeda. Maalintii danbe ayey waxay tiri, “Diinow waa talo”, oo soo jeedisay in idaha iyo riyaha leysku daro oo qofba maalin raaco intii qofba arigiisa gooni u raaci lahaa. Maalintaas kadib, dawaco ariga maalin ayey raaci jirtay Diina maalin buu raaci jiray.
Taasi dawaco waxay u siyaadisay maseyr hor leh maadaaba ay idihii buurbuurnaa maalin dhaaf iyadu raacdo, markaas waxay ku tashatay inay idaha diinka ka horeyso oo ka celiso naqa iyo doogga maalinteeda si ay u caatoobaan. Dawaco maalinteeda siday idaha diin naqa uga celinyso waxay imaan jirtay iyada oo aad u gaajeysan una ooman markaas biyo badan iyo keyd hilib ah oo badan ayey cuni jirtay, taas oo kaliftay inay neefkeeda dhameyso asbuucii oo aan kalabar joogin idihiina maalin dhaaf si dhakhso leh way ugu caatoobi waayeen. Khasaaro hor leh ayaa dawaco u bilowday maadaaba keydkeedii dhamaaday. Dawaco way dhagar badan tahay e waxay istustay inay guriga diin u dabamarto maalintuu ariga raaco oo hilibkiisa ka xado uguna badasho dhagax hilibka u eg, waxayse ogaatay inuusan diin keydkiisa meelin dhigin ee uu qolofkiisa ku qaato. Maalintii danbe ayey hadana tiri, “Diinow waa talo”, aan qoys noqono, aan wada qalano qeybna yeyan jirin. Dawaco waxay soo jeedisay in ay halneef wada qashaan dhowrkii habeen ba mar oo isla wadaagaan si isku mar hilibku uga dhamaado qeyb weyna uga qaadato maadaba iyadu aad u gaajooto maalintay ariga raacdo.
Markii mudo laga soo wareegay idihii diin aad ayey u caatoobeen, riyihii dawacana aad ayey u buurbuurteen, sheekada isaga iyo dawaco dhextaagan way mari weysay maadaba idihiisa maalinba maalinta ka danbeysa sii caatoobayaan, ari qalidiina batatay, wuxuuna fahmay khiyaanada dawaco, markaas ayuu dawaco u yimid oo yiri, “Dawacow waa talo”, qows wax qeybsan uma qalmaan, arina waa ido iyo riyo, dawacana waa habar dugaag. Horta wax qeybsan qoys uma qalmaan oo wax kasta oo dhib iyo dheef waa u simanahay, arina waa ido iyo riyo waa qoys xoolihiis, dhawacana waa habar dugaag oo xin iyo xaasidnimo kama filanayo saas darteed adaa leh talada qoyska. Maadaba diin uu dawaco isugu daray xigmad, faan iyo talada qoyska aad ayey u faraxday laakiin dib ayey ka qoomameysay waayo waa inay dib u naaxisaa idihii ay gaajada ku dishay oo iyagu noqday xoolaheeda qaarkood.
Akhri Sheekada Dawaco, Dhurwaa, Libaax iyo Raq Dugaag
| | Qoraha: esomali.com | Wakhtiga Laqoray: 2009-12-01 | Qiimee ama u codee qoraalkan | | | | |
|
|
|