| Baar Bogan |
|
|
| Maadooyinka Casharada |
|
|
|
Is-intixaan Madadaalo aqoon siyaadsi
|
| Xayeysiinta |
|
|
|
|
|
| Xirida Windows XP ee kambuutarka |
Waxaa jira afar nooc oo lugu xiro Windows XP kambuutarkaaga.
1. Nooca koowaad waa adigoo cusbooneysiiya Windows kale sida Windows 2000 ama Windows 98 oo ku cusbooneysiiya Windows XP adigoo aan tirtirin borogaramda ku duuban kambuutarka. Noocan waxaa loo yaqaan cusbooneysiin ama Upgrading.
2. Nooca labaad waa adoo si nadiif ah ugu xira Windows XP kambuutarka oo masaxa wixii ku duuban oo dhan.
3. Nooca sadexaad waa adoo si sawir ahaan ah ugu shuba keydiyaha ama Hard Drive ka sawir Windows XP ah oo kambuutarka kale lagu diyaarshay watana borogaramdiisii, drivers kiisa, iyo software kii aad u baah neyd oo dhan. Noocan waxaa la isticmaalaa markaad kambuutaro tira badan oo isku mid ah si joogto ah aad Windows XP ugu xirtid.
4. Nooca afraad waa adoo isticmaala kambuutar adeege ah oo shaqadiisu tahay inuu ku xiro Windows XP kambuutaradaas. Kambuutarka adeegaha ah waxaa loo yaqaan Deployment Server.
Nooca koowaad oo ah inaad cusbooneysiisid Windows ka oo ka dhigtid Windows XP waa inaad kambuutarka shidaa, kabacdina galisaa CD Windows XP. Isticmaal CD ga si aad u xirtid Windows XP.
Nooca sida nadiif ka loogu xiro waa inaad CD galisa kambuutarka markaas kabacdi daartid kambuutarka. Markuu ku weydiiyo inaad Keyboard ka gusid si CD u daarmo, guji. Waa in CD xiraa Windows XP. Nooca sawirka ah wuxuu la mid yahay kan sida nadiif ka ah.
Hadaad server ama kambuutar adeege ah isticmaaleysid waa in kambuutarkaa aad windows ku xireysid awood u leeyahay inuu ku daarmo Network Card ka ama Ethernet ka ( PXIE compatible). Ka dhig Network Card ka tan kambuutarku ku daarmo kabacdi guji F12 markii uu ku weydiiyo.
| | Qoraha: esomali.com | Wakhtiga Laqoray: 2009-10-14 | Qiimee ama u codee qoraalkan | | | | |
|
|
|