Waxaa jira dhowr nooc oo Internet ah sida DSL, ISDN, Cable, SONNET, Sattelite, T1 ama E1, iyo waliba nooca laga gudbey ee Dial Up. Halkan waxaan ku eegenya sida loo sameeyo Internet ka xawaaraha sare ee isticmaala DSL ama Cable.

Si aad u xirtid Internet ka xawaaraha sare:
1. Guji Start, xulo connect to, kabacdi guji Show all connections ama fur Control panel ka kabacdina labo jeer guji Network Connections
2. Guji Create New Connection ee dhanka sare ee qeybta Network Task.
3. Xulo Connect to the Internet kabacdina guji next.
4. Xulo Set up my connection manually.
5. Haduu Internet kaagu Username iyo Password isticmaalo xulo qeybta dhexe ee oroneysa Connect using broadband connection that requires username and password kabacdina guji next.
6. Qor magaca Shirkada Internet kaaga ama magac u bixi khadka.
7. Qor magac (username) iyo furaha (password) kabacdina guji next.
8. Xulo Add shortcut si sawirka khadka ugasoo baxo wajiga kambuutarka.
9. Guji finish.
Sameynta khadka Internet ka Dial up ka ah ama Telefoonka isticmaala

1. Guji Start, xulo connect to, kabacdi guji Show all connections ama fur Control panel ka kabacdina labo jeer guji Network Connections
2. Guji Create New Connection ee dhanka sare ee qeybta Network Task.
3. Xulo Connect to the Internet kabacdina guji next.
4. Xulo Set up my connection manually.
5. Xulo Connect using dial-up modem kabacdina guji next.
6. Qor magaca Shirkada Internet kaaga ama magac u bixi khadka.
7. Qor telefoonka shirkada internet ka ee xira Internet dabadeedna guji next.
8. qor magac (username) iyo furaha (password) kabacdina guji next.
9. Xulo Add shortcut si sawirka khadka ugasoo baxo wajiga kambuutarka.
10. Guji finish.
|