Sidee loo sameeyaa? - Bar ama Baro
Barashada = Aqoonta
Qor Qoraal :: Qor Su-aal :: Su-aalaha :: Qoraa Noqo :: Forum
English RRS Feeds
 
 
Baar Bogan
Maadooyinka Casharada
Xayeysiinta
Visitors September: 46972
Maamulka Keydiyaha Windows XP ga ama Disk Management Utility
Bookmark and Share
Waxaad isticmaali kartaa Windows XP Disk Management oo ah daaqad laga maamulo keydiyeyaasha kabmuutarka ku xiran sida adoo
kala qeybin kara keydiyaha (Partitioning) ama tirtiri kara qeyb jirta. Waxaad kale oo halkan ka arki kartaa inta keydiye ku xiran, inta qeybood halkii keydiye yahay,
inta buuxda, inta maran, iyo iney caafimaad qabaan.


Furida daaqada Maamulka Keydiyaha (Disk Managment)



Si aad u furtid Maamulka Keydiyaha:

1. Guji Start kabacdina guji Run

2. Qor compmgmt.msc kabacdina guji OK. Waxaa furmeysa daaqada laga maamulo kambuutarka ee Computer Managemnet.

3. Guji khadka Disk Management. Waxaa furmeysa daaqada laga maamulo Keydiyeyaasha kambuutarka oo dhan.




Waxaad kale ee ka furi kartaa Maamulka Keydiyaha dhanka Control Panel ka;
1. Guji Start kabacdina guji Control Panel

2. Labo jeer guji Administrative Tools


3. Guji Computer Management


4. Xulo Disk Managment ee ka muuqda dhanka bidix


Sameynta qeyb keydiye (Disk Partition)



Si aad u sameysid qeyb cusub;

1. Dhanka midig u guji qeyb Unallocated ama maran ee ka mid ah keydiyaha kabacdina guji New Partition.

2. Waxaa furmeysa Wizard ka sameysa Keydiye Qeybtiis.

3. Xulo nooca qeyb keydiyaha sida (Primary partition, Extended partition, ama Logical drive).

3. Qeex muga (Partition size) ee MB ah kabacdina guji Next.

4. Xulo xarafka Keydiyaha magaca u noqonaya ama kambuutarka u daa xarafkii banaan ha qaatee.

5. Guji Finish markaad dhameystirtid.
Bookmark and Share
Qoraha: esomali.comWakhtiga Laqoray: 2009-09-27
Qiimee ama u codee qoraalkan
 
Qorayaasha
Gal - Login
Isqor - Register
Linkiyada
Ufeyn.com
Consumervote.com
BestMuslim.com
PCTalkNet.com
 
Wixii akhbaar ah iyo hadaad casharo noosoo gudbineysid nagala soo xiriir email ka: admin@esomali.com
Design By KWWebService.com
Barashada computer ka, wax barashada, cilmiga guud, barashada technology ga, barashada windows ka, barashada dhaqaalaha, barashada afsoomaaliga, barashada somaliga.