| Baar Bogan |
|
|
| Maadooyinka Casharada |
|
|
|
Is-intixaan Madadaalo aqoon siyaadsi
|
| Xayeysiinta |
|
|
|
|
|
| Eegida Ciladaha Keydiaya Windows XP ga ama Disk Error Checking Utility |
Eegida Ciladaha (Disk Error) waa borogaram la socda Windows XP oo si otomatic ah u eega ciladaha keydiyaha kambuutarka ee dhanka Windows ka ama Logic Drive ka.
Borogaram kani wuxuu eegaa saxaana ciladaha la xiriira Windows ka ee File System ka ee ma sixi karo hadii wax ka khaldamaan birta keydiyaha sida Sectors ka.
Borogram kani waa Chkdsk oo ilaa Windows 95 jiray oo la casriyeeyey adigoo markaaas ka shidi kara dhanka DOS ka ee amarka (Command line) ama dhanka daaqada XP.
Furida Eegida ciladaha (Accessing Error Checking Utility Chkdsk)

Si aad u eegtid una saxdid ciladaha keydiyaha raac talaabooyinkan:
1. Guji Start, hadana guji My Computer
2. Dhanka midig u guji keydiyaha sida C: kabacdina guji Properties
3. Guji qeybta Tools ee sare, hadana guji Check Now.
4. Xulo labada qiro ee (Automatically fix file system errors & scan for and attempt recovery of bad sectors) kabacdina guji Start. Hadii keydiyaha aad eegeysid yahay kan Windowsku ku xiran yahay ha xulan qiradahan.
| | Qoraha: esomali.com | Wakhtiga Laqoray: 2009-09-27 | Qiimee ama u codee qoraalkan | | | | |
|
|
|