Maadooyinka Casharada


Afsoomaaliga

Beeraha

Bulshada

Caafimaadka

Cilmiga Qoyska

Ciyaaraha

Cunada iyo Cabitaanka

Dalxiiska iyo Safarka

Dhaqanka & Farshaxanka

Dhismayaasha

Diinta

Ganacsiga iyo Dhaqaalaha

Kombuutarada

Sayniska

Shareecada iyo Sharciyada

Taariikhda

Wararka iyo Waxyaalaha Cusub

Waxbarashada

Is-intixaan
Madadaalo aqoon siyaadsi

Visitors: 180553

Nadiifinta kambuutarka ku shaqeeya Windows XP

Bookmark and Share
Si kambuutarku si fiican noo nadaafsan ugu shaqeeyo waa inaad markasta nadiifisaa oo ka tirtirtaa wax yaalaha aadan u baahneyn iyo waliba kuwa aad tirtirtay.

Window XP waxay ku timaadaa borogaram loo yaqaan Disk Cleanup Utility oo sifeeya wax yaalaha kambuutarka ku keysamay markaad internet ka isticmaaleysid, wax yaalaha aad horey u tirtirtay, iyo faayalada hore aadan u baahneyn laakiin kambuuutarku iskiis u sameeyey. Isticmaalka Disk Cleanup Utility ga wuxuu hagaajiyaa shaqeynta kambuutarka adigoo markaas na baneynaya oo firaaqeynaya khasnada keyd.


Hadaba si aad u isticmaashid Disk Cleanup Utility ga raac talaabooyinkan;

Guji Start, xulo All Programs, xulo Accessories, xulo System Tools, guji Disk Cleanup.
Waxaa furmaya daaqad aad ka xulaneysid qeybta keyd ka aad nadiifineysid. Xulo keydiyaha kabacdi guji Ok.

Waxaad kale ee meeshan ku tagi kartaa adoo gujiya Start, kabacdina gujiya Run,
markaas qora cleanmgr kabacdina gujiya ok.

Waxaad kale isla meeshan ku tagi kartaa adoo gujiya Start, kabacdi gujiya My Computer, dhanka midig u gujiya keydiyaha aad rabtid inaad nadiifisid kabacdina gujisid properties, kabacdina gujisid Disk Cleanup.

Si kastaba aad ku tagitide xulo kula qeybaha Disk Cleanup ka markaas guji Ok si ay u tirtirmaan.



Nadiifinta keydiyaha



Markaad furtid Disk cleanup ka, wuxuu tixin qeybaha aadan u baahneyn sida Temp Files ama wax yaalaha kambuutarku sameeyey markaad wax soo dajineysid, wax yaalaha aad tirtirtay ee kujira Recycle Bin ka, iyo wax yaalaha internet browser ka ku keydsan.
Waxyaalaha uu Disk Cleanup soo taxo oo dhan waxay u badan tahay inaadan u baahneyn marka kuli xulo kabacdina guji ok si uu u tirtiro.


Tirtirida Cookies, Waxyaalaha Internet ka, & Taariikhda (History)



Waxaad tirtiri kartaa wax yaalaha ka browser ka internet ku keydshay sida taariikhda isticmaalka internet ka,
sawirada iskood usoo galay markaad website ku jirtid iyo wax yaalaha Cookies ka loo yaqaan ee website yadu ku keydshaan kambuutarkaaga.

Si aad uga tirtirtid Browser ka waxyaalahaas;
1. Fur Browser ka Internet ka sida Explore ama Firefox.
Guji Tools, hadana guji Internet Options

3. Qeybta oraneysa, Temporary Internet Files, guji botonka Delete Cookies


Cookies waa waxyaalo website aad soo booqatay ku keydshay kambuutarkaaga sida magaca iyo fure oo kale.
Cookies ka waxaa sameeya dadka website dhisa wuxuuna ku keysamaa kambuutarkaaga waxaana lagu sameeyaa borogram ka JavaScript.


Si aad u tirtirtid taariikhda isticmaalka Internet ka, guji botonka Clear History.
History gu waa jidka ama URL lada website yada aad soo booqatay.
Sida caadiga ah Internet wuxuu keydshaa URL lada website yada aad soo booqatay ilaa 20 beri.


Eegida inta aad ka isticmaashay keydiyaha kambuutarka iyo inta ka banaan



Si fudud ayaad u ogaan karta inta ka banaan keydiyaha iyo intaad isticmaashay ee buuxda.
Si aad taas u eegtid;

1. Labo jeer guji My Computer ka saaran wajiga kambuutarka ama guji Start, kabacdi guji My Computer


2. Dhanka midig u guji keydiyaha (tusaale: C:)

3. Guji Properties

Waxaa furmeysa daaqad kuu sheegeysa inta ka banaan keydiyaha iyo inta aad isticmaashay. Inta buuxda waxaa saaran midab bluu ah meesha inta banaan ay saaran tahay midab binki ah.

Qoraha: esomali.com || Wakhtiga Laqoray: 2009-09-26


Qiimee ama u codee qoraalkan

60560 Akhriye

Gal - Login
Isqor - Register

Linkiyada
Ufeyn.com
BestMuslim.com
SpiderTip
Puntlander.com