Sidee loo sameeyaa? - Bar ama Baro
Barashada = Aqoonta
Qor Qoraal :: Qor Su-aal :: Su-aalaha :: Qoraa Noqo :: Forum
English RRS Feeds
 
 
Baar Bogan
Maadooyinka Casharada
Xayeysiinta
Visitors September: 46972
Ogaanta Nooca iyo awooda kambuutarka ee Windows XP
Bookmark and Share

Waxaa jira noocyo badan aad u ogaan kartid nooca iyo awooda kabuutarka iyo waliba wadaha ku xiran laakiin sida ugu fudud waa adoo taga System Properties.
Raac talaabooyinka hoose si aad u tagtid System Properties.

Dhanka midig u guji My Computer ka saaran wajiga kambuutarka ama guji Start kabacdi dhanka midig u guji My Computer
Waxaa furmaya daaqada System Properties
Waxaad kale oo ka tagi kartaa System Properties ka adoo gujiya Start kabacdina gujiya Control Panel,
markey Control Panel ku furanto lobojeer guji System.
Sida sawirka ka muuqata, General Tab ka System Properties ku; wuxuu soosaaraa nooca wadaha ku xiran kambuutarka, nakhshada wadaha, nooca kabmuutarka maxkaxda ku xiran, awooda xusuus iyo waliba tan xawaare.


Qeybaha kale ama Taps ka kale waxaa ka mid ah:

Hardware oo kuu sheegin biraha kambuutarka, wada yaasha biraha (drivers), iyo diiwaanka guud ee bir kasta.

Computer name oo kuusheegin magaca iyo nooca network ga kabmuutarka aadna ka badali kartid.

Advance oo kuu sahlin inaad badashid sida kambuutarku shaqada u qabto, siduu u shidmo, ama hadii cilad gasho usoo noqdo.

Remote aad ka sameynkartid sida kambuutar kale ugu xiran karo kambuutarkan.

Automatic Update aad ka habeyn kartid sida kambuutarku isu cusbooneysiiyo


Maamulaha Birta ee Windows XP (Device Manager)



Maamulaha qalabka birta kambuutarka ama Device Manager ku wuxuu sahlaa inaad aragtid ama wax ka badashid
sida inaad wade bir (Device Driver) ku xirtid, cusbooneysid, ama furtid oo tirtirtid.


Si aad u furtid daaqada maamulka qalabka birta (Device Manager);
Guji Start kabacdi dhanka midig u guji My Computer, markii daaqada System Properties ku furanto, guji
Hardware, kabacdina guji Device Manager


Si aad ugu xirtid ama u cusbooneysid wadaha birta ama Device Driver;
Xulo birta kabacdi dhamka midig u guji magaca birta.
Guji Update Driver kabacdi talaabooyinkan raac.


Windows XP Device Dialog Box ama diiwaanka birta

Diiwanka birta waxay soo saartaa warka birta oo dhamystirian sida
wadaha birta (device driver), birta oo qeexan, dabka ay isticmaasho, iyo wixii la mid ah.
Si aad u furtid Device Dialog Box ka;
Xulo, dhanka midig na u guji birta kabacid
guji Properties

General wuxuu ku tusin warka birta oo kooban

Driver wuxuu kutusin nooca iyo nakhshada wadaha birta waad na ka cusbooneysiin kartaa.


Waxay ku xiran tahay nooca birta adigoo arki kara qeybo ka tirabadan ama ka tira yar qeybaha sawirka ka muuqda.

Bookmark and Share
Qoraha: esomali.comWakhtiga Laqoray: 2009-09-26
Qiimee ama u codee qoraalkan
 
Qorayaasha
Gal - Login
Isqor - Register
Linkiyada
Ufeyn.com
Consumervote.com
BestMuslim.com
PCTalkNet.com
 
Wixii akhbaar ah iyo hadaad casharo noosoo gudbineysid nagala soo xiriir email ka: admin@esomali.com
Design By KWWebService.com
Barashada computer ka, wax barashada, cilmiga guud, barashada technology ga, barashada windows ka, barashada dhaqaalaha, barashada afsoomaaliga, barashada somaliga.