Sidee loo sameeyaa? - Bar ama Baro
Barashada = Aqoonta
Qor Qoraal :: Qor Su-aal :: Su-aalaha :: Qoraa Noqo :: Forum
English RRS Feeds
 
 
Baar Bogan
Maadooyinka Casharada
Xayeysiinta
Visitors September: 46825
Keydiyeyaasha kambuutarka ama Disk yada wax lagu keydsho
Bookmark and Share
Casharkan waxaan ku eegeyna noocyada keydiyeyaasha kambuutarka. Sidaan ognahay waxaa jira noocyo badan oo keydiyeyaal ah kan ugu mihiimsana yahay kan kambuutarka kasta wato e Hard Drive. Noocayada maanta socda ee wax keydiya waa Hard Drive oo dhowr nooc u kala baxa, Floppy Drive aan aad loo isticmaalin waayadan danbe, CD, CD-R, CD-RW, DVDDVD-DL, DVD-R, USB Thumb Drive, BluRay, iyo HD DVD.



Hadaan kala qaadno mid kasta wuxuu qabto waa saan:

Hard Drive waa meesha kambuutarkasta wax ku keydsho oo uu ku khasban yahay inuu kambuutarku wato si uu u shaqeeyo.

Floppy Disk waa disk yar oo qaada 1.44MB o dhato ah aana aad loo isticmaalin waayadan danbe.

ZIP waa keydiyo u dhow Floppy drive qaab ahaan laakiin ka mug weyn oo qaada 100MB ama 250MB, iyo ka kor aan aad loo isticmaalin.

CD wuxuu qaada 650MB oo dhato, cod, Software, fidhiyow ah. CD wax laguma keydin karo ee wixii kujira ayaa la akhrin karaa kaliya.

CD-R waa CD wax lagu keydin karo. R ta waxay u taagan tahay Recordable oo micnaheedu yahay inaad hal mar wax ku keydin kartid.

CD-WR waa CD aad wax ku keydin kartid marar badan. RW waxay u taagan tahay Re-writable.

DVD wuxuu qaadaa 4.3GB oo ah intii 5 CD qaadaan. DVD waxaa loo sameyey in fidhiyowyada lagu keydsho laakiin maanta waxaa loo isticmaalaa wax kasta sida dhato, cod, fidhow, sawiro, iyo wax kasta ee kambuutar lagu keydsho. Sida CD ga oo kale DVD wax laguma keydin karo ee wuxuu ku yimaado ayaa laga akhrin karaa kaliya.

DVD-DL waa DVD labo gees wax ku duuba oo qaada 9.1GB oo ah intii 2 DVD qaado. DDV mug weyn ayaa jira oo qaada ilaa 18GB labada gees.

DVD+R ama DVD-R waa DVD wax lagu duubi karo.

DVD+WR ama DVD-WR waa DVD marar badan wax lagu duubi karo.

BluRay wuxuu qaadaa 25GB oo dhato ah haduu hal gees wax ku duubo, haduu labo gees wax ku duubana wuxuu qaadaa 50GB. BluRay wuxuu u sameysan yahay sida DVD iyo CD ga qaab ahaan.

HD DVD wuxuu qaadaa 15GB oo dhata ah aduu hal gees wax u duubo haduu labo gees wax u duubana wuxuu qaadaa 30GB. HD DVD waa DVD casriyeysan ee la balaarshay, qeybta HD waxay u taagan tahay High Definition.

SD – Secure Digital waa jib yar oo noocyada danbe ee kambuutara lagu xiro iyo waliba Dijital Kamarada oo mugiisu kala duwan yahay. Nooc yar oo la dhaho Mini-SD ayaa isna jira.

CF – Compact Flash waa keydiye yar oo sida Hard Drive wax u keydiya.

MMC – Multimedia Card waa SD oo kale balac ahaan iyo u ekaansho laakiin teknolaji ka duwan ayaa la isticmaalay sameyntiisa.

SM – Smart Midea waa nooc hore ee Flash drive aan aad loo isticmaalin.

Cajilad (Magnetic Tape) waa cajilad dhato kambuutarka lagu shubo oo lagu geydiyo sida cajalida LTO4 oo qaada ilaa 800GB oo dhata ah. Cajiladu waxay wadataa bokis u gaar ah oo banaanka kambuutarka lagaga xiro.

Waxaa mihiim ah keydiya aad gadaneysid inuu kambuutarkaagu awood u leeyahay inuu akhriyo oo Drive kiisu xiran yahay sida keydiyaha DVD waxaa akhriya DVD Drive. CD yada iyo DVD waxay kale ee ku yimaadaan xawaare kala duwan sida 4x, 16x, 32x, iyo 52x oo laga wado xawaaraha uu wax ku akhriyo oo midba kuu ka xawaare badan ka fiican yahay.

Bookmark and Share
Qoraha: esomali.comWakhtiga Laqoray: 2009-09-21
Qiimee ama u codee qoraalkan
 
Qorayaasha
Gal - Login
Isqor - Register
Linkiyada
Ufeyn.com
Consumervote.com
BestMuslim.com
PCTalkNet.com
 
Wixii akhbaar ah iyo hadaad casharo noosoo gudbineysid nagala soo xiriir email ka: admin@esomali.com
Design By KWWebService.com
Barashada computer ka, wax barashada, cilmiga guud, barashada technology ga, barashada windows ka, barashada dhaqaalaha, barashada afsoomaaliga, barashada somaliga.