Barashada Windows XP
Casharkan wuxuu kutusayaa sida loo isticmaalo Windows XP wajiga hore ee loo yaqaan Desktop iyo sawirada soo baxa markii kambuutarka la shido (Desktop Icons).
Sawirada wajiga Windows XP (Desktop Icons) Waxaan ku bilaabeynaa casharkan inaan dib uhabeyn ku sameyno wajiga hore ee Windows XP. Markii aad Windows XP ku xirtid kambuutarka, waxaad arki kartaa waji aan wax Icons sa saarneyn sade sawirkani kutusinayo. Start waa botton ka kali ah ee kuu sahlaya inaad gashid ama furtid borogaramada kambuutarka ku xiran iyo daaqada Widnows ka.
Start Menu
Waa meesha kuu sahleysa inaad isticmaashid Application nada ku xiran kambuutarkaaga, kuwa Windwoska iyo kuwa lagu xiray. All Programs - waxaa kujira liiska borogaramada ama aplikeyshinka ku xiran kambuutarka. Banelka bidixda - Banelka bidixda wuxuu soo baxaa markii Start la gujiyo waxaa ku jira borogaramadii ugu danbeeyey aad furtay iyo kuwa lagu ping gareeyey oo la galiyey. Banelka midig - Banelka midig wuxuu soobaxayaa markii Start la gujiyo waxaana ku liis gareysan foldharada kuyimaada Windows, qeybta baarista, qeybta caawimaada iyo qeybaha Hardware ka loo maro.
Kasoosaarida Sawirka My Computer Wajiga Computer ka (Create My Computer Desktop Icon)
Si aad u sameysid Icon ama sawirka My Computer;
1. Waxaad gujisaa Start
2. Dhanka midig u guji (Right-Click) “My Computer”.
3. Dabadeed guji “Show on Desktop”.
Sawirka dhanka bidix wuxuu kutusayaa sida loo sameeyo arintan.
Sameynta “Program Shortcut”
Si aad ugasoosaartid borogaram wajiga hore ee kambuutarka:
1. Waxaad gujisaa Start.
2. Waxaad xulataa "All Programs".
3. Waxaad xulataa borogaram ka aad rabtid, kabacdi dhanka midig u guji.
4. Waxaad xulataa "Send To".
5. Dabadeed guji "Desktop (create shortcut)"
Isku shaandheynta “Shortcut Icon” ka
Waxaad isku shandeynkartaa “Desktop Icons” ka si intii isku nooc ah ama isku magac ka bilowda ama culeys ahaan (size)isu dhow ay isku dhinac u xigsadaan. Si aad isugu shandheysid “Desktop Icons” ka waxaad sameysaa;
1. Dhank midig u guji meel banaan e ka mid ah wajiga kambuutarka (Desktop).
2. Waxaa soo baxaya Menu.
3.Xulo "Arrange Icons By" kabacdi guji "Name" si aad magac ahaan sigu duwdid. Waxaad kale xulan kartaa, type - nooc, ama size - culeys.