Sidee loo sameeyaa? - Bar ama Baro
Barashada = Aqoonta
Qor Qoraal :: Qor Su-aal :: Su-aalaha :: Qoraa Noqo :: Forum
English RRS Feeds
 
 
Baar Bogan
Maadooyinka Casharada
Xayeysiinta
Visitors September: 9990
Processor ka ama Wadaha kambuutarka
Bookmark and Share
Processor ama CPU (Central Processor Unit) waa maskaxda kambuutarka oo kala wada shaqooyinka uu kambuutarku qabto. Processor wuxuu ka kooban yahay sadex waaxood ama qeybood oo kala qaabilson shaqooyinka :
I/O Input/Output ama gudbiye galiye, hogaamiye (Control Unit), iyo xiska (Arithmetic Logic Unit) oo shaqadiisu tahay inuu sameeyo wixii xisaab iyo jaheynta wax yaalaha suurto galka ah (If, loop, and logic).



Processor ku waxuu motherboard ka kaga xiranyahay buundada dhanka koonfirta (North Bridge) oo iyado ka awood badan dhanka xawaaraha buundada waqooyiga (South Bridge).
Processor ama CPU ka xoogiisa waxaa lagu cabiraa intuu wareego second kii (clock beet). Tusaale ahaan 3GHz oo micneheedu yahay 3 bilyan ama 3,000,000,000 wareeg halkii second (beets per scond). Xawaaraha saacada CPU waxaa lagu matalaa wadnaha kambuutarka meesha CPU lagu matalo maskaxda kambuutarka. Hadaba saacada gudaha CPU waxaa lagu cabiraa MHz (Million xaaware sekenkii) ama GHz (Bilyan Xawaare Sekankii). Kambuutarada maanta socda badanaa waa GHz midba midkuu ka xawaare badan yahay wuu ka fiicanyahay.
Markuu CPU laxiriiro qeybaha kale ee kambuutarka sida keydiyaha (Hard Drive) iyo I/O (Input-Output) wuxuu isticmaalaa koryaal (bus) isaguna xawaare gaar ah leh. Koryaalka isku xira CPU iyo IO waxaa loo yaqaan FSB Front Side Bus oo xawaariyiisa lagu cabiro MHz. Badanaa waa 400MHz, 533MHz, 800MHz ama 1066MHz oo midba kuu ka xawaare badan yahay uu ka dhakhso badan yahay inuu gudbiyo akhbaarta.
Markasta uu processor ku wareego wuxuu qabtaa shaqo loosoo gudbiyey ama wuxuu gudbiyaa shaqo uu dhameystiray. Hadaba processor rada maanta socda waxay ku yimaadaan lobo nooc oo ah 32 bit iyo 64 bit. Maadaba kambuutarku uu fahmo binary code oo ah 0 ama 1, bit waa halnambar oo ah 0 ama 1. Nambarkasta ama xaraf kasta oo lagu quro kambuutarka wuxuu u badala 0 ama 1. 8 dii bit waa hal Byte, markii kambuutarku uu qaadanayo qoral ama nambaro (data) waxaa lagu cabiraa byte ahaan. 32 bit processor wuxuu gudbiyaa oo ka shaqeysiiyaa 4 byte oo data ah halkii wareeg meesha 64 bit processor uu gudbiyo oo kashaqeysiiyo 8 byte oo data ah halkii wareeg.

Waxaa processor ka sameeya warshadaha kala Intel, AMD, iyo Cyrix. Waxaana ugu caansan Intel iyo AMD. Intel wuxuu sameeyaa Pentium iyo Celeron, AMD na wuxuu sameeyaa Athlon, Opteron, Phenon, Sempron, iyo Duron.
Processor rada maanta socda waxaa loo sameeyey inay dhowr wax qabtaan halkii marba (multi-processing)
Waxyaalaha mihiim ka ah inaad ogaato

Processor ka oo loo yaqaan CPU (Central Processing Unit) waa jibka ugu mihiimsan kambuutarka oo lagu matalo maskaxda kambuutarka. Wuxuu qabtaa shaqooyinka kabuutarka ka shaqeysiiya sida hagida xubnaha iyo sixaabta oo dhan. Processor rada maanta socda waxaa lagu cabiraa GHz oo ah bilyan wareegiiba, siduu u kala cabir badan yahay ayuuna u kala fiican yahay. Processor ka waxaa wax u gudbiya kana sooqaada koryaal (bus) loo yaqaan FSD (Front Side Bus) oo lagu cabiro MHz milyan wareegiiba, siduu u kala xawaare badan yahay ayuu u kala fiican yahay. Processor ku wuxuu ku yimaadaa 32 bit ama 64 bit oo ah intuu xaraf (byte) gudbin karo wareegiiba. Waa mihiim markaad kambuutar rakibeysid ama badaleysid inaad hubisid inay Processor ka iyo Motherboard ku is qaadan karaan. Tankale Processor sarada maanta socda waxay isticmaalaan ZIF oo ah (Zero Insertion Force) oo micnaheedu yahay ha ku khasbin. Kambuutarada maanta socda way fududahay sida loogu xiro CPU ga laakiin dadaad khasabtid waxaa jabaya ilkaha CPU ga.
Bookmark and Share
Qoraha: esomali.comWakhtiga Laqoray: 2009-09-13
Qiimee ama u codee qoraalkan
 
Qorayaasha
Gal - Login
Isqor - Register
Linkiyada
Ufeyn.com
Consumervote.com
BestMuslim.com
PCTalkNet.com
 
Wixii akhbaar ah iyo hadaad casharo noosoo gudbineysid nagala soo xiriir email ka: admin@esomali.com
Design By KWWebService.com
Barashada computer ka, wax barashada, cilmiga guud, barashada technology ga, barashada windows ka, barashada dhaqaalaha, barashada afsoomaaliga, barashada somaliga.