Sidee loo sameeyaa? - Bar ama Baro
Barashada = Aqoonta
Qor Qoraal :: Qor Su-aal :: Su-aalaha :: Qoraa Noqo :: Forum
English RRS Feeds
 
 
Baar Bogan
Maadooyinka Casharada
Xayeysiinta
Visitors September: 8377
Motherboard ka kambuutar ka
Bookmark and Share
Motherboard ama waa xubinta ugu weyn ee isku xirta kambuutarka birihiisa isuna gudbisa elektarikada kambuutarka. Motherboard waxaa kaloo loo yaqaan Main board ama System Board waxaa lagu xiraa Sarta ama Case ka kambuutarka.


Noocyada Motherboard ka

Noocyada (Form Factors) ugu caansan ee Motherboard ka waa ATX, MicroATX, BTX, iyo LTX.
ATX waa nooca ama form ka Motherboard ugu caansan ee la isticmaalo. Waxaa ka horeeyey oo dhismaheedu ka yimid nooc la oranjiray AT iyo Baby AT oo suuqa kabaxay dhamaad kii 1990s kii. Sababta loo joojiyey AT Motherboard waxay aheyd; way adkeyd in la badalo iyo CPU ga oo ku xirnaa meel Expandsition Slot ku dhow. Sababta ugu mihiimsan ee loo isticmaalo ATX maanta waa qaabka ay u dhisantahay oo wanaagsan iyo qalabka lagu xiro oo an istaabaneyn (Desayn wanaagsan). ATX balaceeda waa 12” x 9.6” waxayna badeshay Baby AT. Waxay ATX ku leeday nooc yar oo loo yaqaan Mini-ATX ama Micro-ATX uu balaceedu yahay 11.2" x8.2" kana qalabyar ATX ka caadiga ah. ATX motherboard iyo kambuutar Power supply ga waxaa leyskula xiraa gudbisyo (power connector) loo yaqaan "P1 Connector" oo xadkiisu yahay 3.3-volt ilkihuusana (pins) yihiin 20 ilig. Maraka qaarkood waxaa dhacda any fiilo kale oo dheeraad ah la socoto oo ka leh 4-ilig (4-pin auxiliary connector). ATX nooceeda ugu danbeeyey waxay ku timaada 24-ilig (24-pin connector). 20-pin Power supply waad ku xirikartaa 24-pin Motherboard. Waxaa mihiim ah inaad Motherboard iyo Power supply ga inay isqaadan karaan awood ahaan iyo hadaad qalabadan ku xirisid motherboard inuu Power Supply awood badan yahay.




BTX Balanced Technology Extended - waxaa loo sameyey in Case ama Bokis balackasta leh lagu xiro. Dhismayeeda waxaa laga soo qaatay ATX. Waxa kaliya ay kaga duwan tahay waa Memory ga iyo CPU ayaa iska soo horjeeda meesha ATX Memory ga iyo CPU gu isla siman yihiin. BTX waxay kaloo ugu fiican ATX waxay yareysaa kuleylka ka dhasha CPU ga. BTX motherboard iyo kambuutar Power supply ga waxaa leyskula xiraa gudbisyo (power connector) loo yaqaan "P1 Connector" oo xadkiisu yahay 3.3-volt ilkihuusana (pins) yihiin 24 ilig.




LPX waa nooc aan aad u wanaagsaneyn sababtoo ah qaabka ay u dhisantahay, badalideeda oo adag, iyo iiyadoo aan qalab badan lagu xiri Karin. Badanaa LPX motherboard ku waxay leeday qeyp kor u taagan oo loo yaqaan "Bus Riser" oo lagu xiro qalabka "Expansion Cards". Waxaa sidoo kale jira nooc lamad ah LPX oo la dhaho NLX. NLX iyo NPX waa isku qaab waxay ku kala duwan yihiin shirkadaha sameeyey ayaa kala duwan. NLX waxaa sameeyey Intel meesha LPX uu sameeyey Western Digital.

Waxa mihiimka ah

Markaad kambuutar dhiseysid ama aad cusbooneysiineysid (Upgrading) waa in Motherboard ka, Case iyo Power Supply gu is qaadan karaan. Inta badan Power Supplay iyo bokiska (case) way isla yimidaan. Badanaa motherboard ka maanta socdaa waa ATX ama BTX. Kambuutarada desktop ka ah ee gaagaaban waxaa laga yaabaa aney ku yimaadan LPX ama LNX motherboard.

Bookmark and Share
Qoraha: esomali.comWakhtiga Laqoray: 2009-09-13
Qiimee ama u codee qoraalkan
 
Qorayaasha
Gal - Login
Isqor - Register
Linkiyada
Ufeyn.com
Consumervote.com
BestMuslim.com
PCTalkNet.com
 
Wixii akhbaar ah iyo hadaad casharo noosoo gudbineysid nagala soo xiriir email ka: admin@esomali.com
Design By KWWebService.com
Barashada computer ka, wax barashada, cilmiga guud, barashada technology ga, barashada windows ka, barashada dhaqaalaha, barashada afsoomaaliga, barashada somaliga.