Sidee loo sameeyaa? - Bar ama Baro
Barashada = Aqoonta
Qor Qoraal :: Qor Su-aal :: Su-aalaha :: Qoraa Noqo :: Forum
English RRS Feeds
 
 
Baar Bogan
Maadooyinka Casharada
Xayeysiinta
Visitors September: 8377
Xusuustaha Kambuutarka (Computer Memory)
Bookmark and Share
Xusuustaha (Memory) waa qeybta keydisa borogaramada (Applications) iyo sahqooyinka socda (Processes) oo markaas furan ama aad ka shaqeyneysid. Xusuustaha (Memory) mararka qaarkood waxa loo yaqaan keydiyaha kowaad (Primary Storage) ama keydiye kumeelgaar ah (Temporary Storage) meesha uu keydiyaha labaad noqonkaro Hard Drive, CD, DVD, USB Drive, iyo wixii lamid ah. Waxaa jira labo nooc oo Xusuuste ah, nooca kowaad waa ROM ama Read-Only-Memory oo wixii ku keydsan aanay dhumin iyo RAM Random-Access-Memory oo wuxii ku keydsan ay dhumaan markii korantada la damiyo ama borogaram ka la xiro. Nooca Xusuustaha ee ROM ka ah wuxuu keydiyaa borogaram ka Bios ka ee kambuutarka birihiisu (Hardware) ku shaqeeyaan oo looyaqaan Firmware.
Badanaa markaan Xusuuste ka hadleyna waxaan ka hadleynaa RAM waayo ROM ka lama badalo wuxuuna ka midyahay waxyaalaha aan lataaban ee jib kiisu motherboard ka ku rakibanyahay.

Noocyada Xusuustaha (Memory) ee RAM
Waxaa jira noocyo kala duwan ee xusuuste ah, kambuutaradu sidey u kala de weyn yihiin ayey ukala qaataan. Xusuustaha waxaa lagu xiraa hogta xasuustaha (Memory Slot) Motherboard ka ku yaal oo loogu talagay waana sadex nooc oo loo kala yaqaan DIMM – Dual inline memory module, SIMM - Single inline memory module, iyo RIMM – Rambus Inline Memory Module. Noocyadani waxay ku kala duwan yihiin xawaara(speed), inta ilig (pins) ay qabaan, iyo teknolojiga sameyntooda loo isticmaalay.




Xusuustaha nooca DIMM
DIMM – Dual Inline Memory Module
waa nooca teknolajiyada xusuustaha maanta socda. Wuxuu ku yimadaa noocyada SDRAM - Synchronous Dynamic Random Access Memory iyo DDR - Double Data Rate. SDRAM waa nooc ula shaqeeya waxaaraha CPU ga siwanaagsan oo lama gartaan ah wuxuuna ku yimaadaa 168-ilig. Nooca kale ee DIMM ka ee ka cusub SDRAM waa DDR. DDR waa SDRAM oo la casriyeeyey, waana nooca kambuutarada maanta socda ay ku yimaadaan isagoo ku yimaada sadex waji oo ah DDR, DDR2, iyo DDR3. DDR labo jeer ayuu ka xawaare badan yahay SDRAM wuxuuna ku yimaada 184-ilig ama 240-ilig.

Xawaaraha (speed) iyo Cabiraada Khadka Akhbaarta (Data size)

DMM memory gu waxuu kaloo ku yimaadaa 64-bit data size ama akhbaartu waxay martaa 8 goryaal. Kambuutarku waxuu isticmaalaa bits si uu akhbaarta u gudbiyo ama u keydiyo marka bit ka waa 0 ama 1, 8 bit na waa hal byte. Markaan dhahno 64-bit waxaan ka wadnaa 8 byte inuu halkii mar ka shaqeysiiyo. Motherboard ka qaarkood waxay isticmaalaan labo khad (Dual Chanel) si ay ula xiriiraan xusuustaha taas oo kordhisa xawaaraha waayo hagaha xusuustaha (Memory Controller) wuxuu akhrinyaa 64-bit iyo 64-bit halkii mar. Noocii hore ee xasuustaha ee SIMM wuxuu isticmaalijiray 32-bit. Xubinta kale ee ugu mihiimsan xusuustaha waxaa awooda xasuusta oo lagu cabiro GB. Kambuutarada maanta socda waxay awoodoodu gaadhaa ilaa 34GB oo RAM ah lakiin badanaa noocyada guriga loo isticmaalo waxay u badan yihiin 1G, 2GB, 4GB, 6GB, 8GB, iyo ka kor ama ka hoos.

Wax yaalaha kale ee lagu cabiro Xusuustaha waa Xawaaraha (speed) ka oo lagu cabiro MHz, PC Rating, CAS Latency, iyo RAS latency. Tusaale ahaan waxaa laga yaabaa inaad aragtid Xusuuste ah DDR667 oo laga wado DDR waxaarihiisu yahay 667 MHz. Ama waxaa laga yaabaa inaad aragtid xusuuste ah PC2700 oo ah PC rating ka. Madaaba DIMM uu yahay 64-bit ama uu awoodo inuu gudbiyo 8 bytes halkii mar, PC Rating ku waa waxaara (speed) oo lagu duftay 8 byte. Tusaale ahaan haduu xawaaraha xusuutaha uu yahay 500 MHz, PC Rating ku waa 500x8 ama 4000 MB/sekenkii ama PC4000.

Xusuustaha nooca SIMM iyo DIMM

Nooca xusuustaha ee SIMM waa nooc laga tagay wuxuna lahaa 30-ligig ama 72-ilig. Nooca RIMM wali waa la isticmaalaa laakiin aad ayou qaali u yahay xawaarihiisuna u xun ayahay saas daraadeed ayaan la isticmaalin. Hadii motherboard ka ay ku timaado hogta (slots) SIMM waa inaad buuxisaa hogaha oo dhan ama xusuuste ku buuxi ama haye (place holder) ku buuxi.

Waxa mihiimka ah inaad ogaatid

Badanaa markaad xusuuste gadaneysid waxaad u baahantahay inaad ogaatid anay uu Motherboard kaaga ku xirmi karo, inay motherboard kaagu awood u leedahay inay xamisho, iyo in ay xusuustiisa awood badantahay. Xusuustayaasha maanta socda waa DDR inta badan oo noqon kara DDR, DDR2, ama DDR3. Haduu kambuutarku yare de weyn yahay sida Pentium 3 waxaa kale oo suurta gal ah SDRAM. RIMM sidoo kale waa suurto gal in kasta uusan badneyn. Buuga motherboard ayaa kuu sheegaya nooca xusuustaha ay qaadata iyo intay awood u leedahay inay qaadato. Awooda xamilka xusuustaha maanta waxaa lagu cabiraa MB ama GB sida 512MB, 1GB (1GB waa 1024MB), 2GB, 4GB, 6GB ama kakor. Waxaa kale oo mihiim ah xawaara uu ku gidbiyo wax oo lagu cabiro MHz (800 MHz, 667 MHz, 533 MHz, 500 MHz, 400 MHz iyo ka kor) ama PC Rating. Waxaa laga yaabaa inuu xusuustaha dushiisa inuu kuu sheeqo PC Rating ka sida PC2700 taas oo micniiisu yahay xawaaraha susuustaha waa 333 MB/sikinkii (PC2700/8 bytes=337.5 oo loosoo koobay 333MHz xawaare).
Bookmark and Share
Qoraha: esomali.comWakhtiga Laqoray: 2009-09-13
Qiimee ama u codee qoraalkan
 
Qorayaasha
Gal - Login
Isqor - Register
Linkiyada
Ufeyn.com
Consumervote.com
BestMuslim.com
PCTalkNet.com
 
Wixii akhbaar ah iyo hadaad casharo noosoo gudbineysid nagala soo xiriir email ka: admin@esomali.com
Design By KWWebService.com
Barashada computer ka, wax barashada, cilmiga guud, barashada technology ga, barashada windows ka, barashada dhaqaalaha, barashada afsoomaaliga, barashada somaliga.