| Baar Bogan |
|
|
| Maadooyinka Casharada |
|
|
|
Is-intixaan Madadaalo aqoon siyaadsi
|
| Xayeysiinta |
|
|
|
|
|
| Qolofta ama Case ka kambuutarka daboosha |
Sarta (case) kambuutarka waxay ku yimaadaan dhowr nooc oo kala cabir (size) duwan. Sarta kabuutarka ama bokiska oo loo yaqaan Case, ama Chassis waxay ku ymaadaan cabiro kal ah Sar gaaban (Minitower), Sar dhexe (Midtower), Sar dhameystiran (Fulltower), Sar jiifta (Desktop) iyo Sar khafiif ah (Slimline desktop).

Sida kor ku xusanba, sedexda nooc ee sarta (case) u kala baxdo waa Desktop (Sar jiifta), Tower (Sar taagan), iyo Slim-line (Sar khafiif ah). Waxay ku kala duwan yihaan cabirka iyo qaabka, noocwalbana waxay qaadi kartaa motherboard iyada le eg.
Nooca Desktop ka motherboard ku hoos ayey u fariiisataa badanaa waxay qaada motherboard weyn oo ah ATX ama BTX. Siduu Case ukala weyn tahay ayay qalab weyntahay. Badanaa Desktop case ku waxay qaadaa hal khasnad oo CD ama DVD ama isku jir ah. Slim-line ka qalabkeeda CD/DVD iyo Peripherals ka sar (case) kale laguma xiri karo waayo siday u yartahay ayaa qalabkiiduna u yar yihiin oo badanaa waxay qaadata motherboard ka nooca NLX, LPX ama Mini-LPX. Sarta Desktop ka aad hada looma isticmaalo taas oo ay keentay in aan la siyaadin karin qalabka fidinta (expansion cards) iyo khasnadaha (Drives) iyo waliba qeyb weyn ee dhul la dhigo ay u baahantahay.
Nooca Tower waxay u kala baxdaa Sar gaaban (Minitower), Sar dhexe (Midtower) iyo Sar dhameystiran (Fulltower). Waxaa ugu caansan oo inta badan la isticmaala sarta dhexe (Midtower). Waxaa lagu xirikaraa ilaa 4 khasnadood oo CD/DVD ah iyo qalabka fidinta (Expansion Cards)tira badan. Nooca motherboard ka ay qaadato waa ATX, BTX ama Mini-ATX.
Maxaa mihiim inaad ka ogaato sarta kambuutarka
1. Sarta kambuutar ka ugu caansan ee maanta la isticmaalo waa ATX iyo BTX.
2. Sarta, Motherboard, iyo dab gudbiyaha waa inay isleeyihiin ama isqaadan karaan.
3. Badanaa sarta iyo dab gudbiyu way isla yimaadaan. Motherboardka waxay wadataa saqaf yar oo wajiyada (Interface) O/I dhisa ama jaheeya meeshay maraan.
| | Qoraha: esomali.com | Wakhtiga Laqoray: 2009-09-13 | Qiimee ama u codee qoraalkan | | | | |
|
|
|