Sidee loo sameeyaa? - Bar ama Baro
Barashada = Aqoonta
Qor Qoraal :: Qor Su-aal :: Su-aalaha :: Qoraa Noqo :: Forum
English RRS Feeds
 
 
Baar Bogan
Maadooyinka Casharada
Xayeysiinta
Visitors September: 3964
Keydiyeyaasha Kambuutarka ama Hard Drive ka
Bookmark and Share
Disk Drive ama Hard Drive waa keydiya ama khasnada uu kambuutarku wax ku keydiyo. Keydiyaha (Hard Drive) waa keydiya rasmiga ah lagu xiro gudaha kambuutarka iyada oo ay jiraan kuwa dibada kambuutarada lagaga xiro oo loo ayaan External Hard Drive ama keydiyaha banaanka. Hard Drive ama keydiyuhu waa meesha labaad ee kambuutarku wax ku keydiyo ama meesha kuwaad uu si rasmi ah akhbaarta (Data) ugu keydiyo.

Hard Drive ka, Floppy Drive, ZIP drive ka, CD ga, DVD ga, USB, BluRay, iyo HDVD Drive ka waa meelaha uu si rasmi kambuutarku wax ugu keydiyo oo loo yaqaan Secondary Storage Devices ama Keydiyayaasha Labaad meesha Xusuustahu (Memory) gu yahay Primary Storage Device ama Keydiyaha koowaad oo aan markaas rasmi aheyn oo wuxuu keydku dhumaa markii kambuutarka la damiyo.
Hadaba Hard Drive ku waa xubinta ugu mihiimsan kambuutarka dhanka keydka wuxuuna la xiriiraa xusuustaha markasta oo aad fayal (file) furtid, xirtid, ama wax keydisid.

Sedee Hard Drive ku wax u keydiyaa

Hard Drive ku waxuu ka kooban yahay garangaro(Tracks), halkii garangar ay ka koobantahay xirmooyin (sectors) dhowrkii xirmo na laysku dhaho kalastar (Cluster). Hard Drive ku wuxuu akhbaarta ku keydiyaa sectors ka. Intaadan la isticmaalin kahor waa in diyaar looga dhigaa in Operating System ku isticmaalikaro Hard Drive ama fahmo uu wax ku keydinkaro diyaarintaas oo loo yaqaan formatting. Markaan ka hadleyno Windows Operating System ka, waxaa loo format gareynkaraa FAT32 – File Allocation System ama NTFS – New Technology File System. Windows maanta socda sida XP, Vista iyo Windows 7 waxay isticmaalaan NTFS laakiin Windows yadii hore sida NT, ME, 2000 iyo waliba Unix iyo Linux waxay isticmaalaan FAT32. Windows DOS/3.1/95/98 waxay isticmaali jireen FAT16 laakiin Windows 98SE2 ayuu FAT32 soobaxay. Dhanka kale Motherboard ku waa inay fahanto Hard Drive taasna waxaa suurto galiya borogaram ay Motherboard ku timaado oo jib ku keydsan loona yaqan Drive Controller Firmware. Drive Controller Firmware ka ma aha wax labadalo maadaba uu ka midyahay Motherboard Bios keeda.


Tracks, Sectors, Clusters, iyo Drive Platters

Sidaan horay u xusnayba Hard Drive ku wuxuu kakooban yahay garangarooying (Tracks), halkii garangarna ay ka koobantahay xirmooying (Sectors) dhowrkii xirmo oo ay hal akhbaar ku duubantahayna waxaa laysku dhahaa kalastar (Cluster). Xubinta ugu yar waa Sector ka oo keydiya 512 bytes oo akhbaar ah. Waxaa kaloo jira carrab akhriya akhbaarta oo looyaqaan Actuator, Actuator ka afkiisa hore oo wax akhriya ama qora ayaa isna la dhahaa Read/Write Head – madaxa akhriya oo qora. Actuator ku tracks ka ayuu dhexda ka kalabaraa intuu sector markiiba hayana waxaa leysku dhahaa Cylinder. Hadii Hard Drive ku ruxmo isagoo shaqeynaya, Actuator ka ayaa xoqa qeybta tracks ka kudadan oo loo yaqaan Platters kabacdi Hard Drive ku wuu xumaadaa ama shaqo gabaa.

Cabirka muga Hard Drive ka

Hard Drive ka mugiisa waxaa lagu cabiraa GB – Gigabyte ama TR – Terabyte. Hard Drive yada maanta socda waa 20GB, 40GB, 80GB, 120GB, 160GB, 200GB, 500GB, 1TB, 2TB iyo ka kor. Midba kuu ka nambar weynyahay wuu ka mugweyn yahay.




Noocyada Hard Drive ka
Hard Drive yadu waxay ku yimaadaan dhowr nooc oo sida motherboard ka loogu xiro iyo xawaarahoodu kala duwan yihiin. Nooca ugu caansan waa ATA marmarka qaarkood na loo yaqaan EIDE oo lagu xiro gudaha kambuutarka. Nooca EIDE waxaa badalaya SATA ama Serial ATA oo ka xawaare badan. Nooca EIDE ama Parallel ATA ama ATA gu wuxuu isticmaalaa 40-pin 80-conductor cable ama 40-pin 40-connector cable (Cable ama Keybal waa fiilada qaada akhbaarta ee isku xirta Motherboard iyo Hard Drive ka). Waxaa fiican cable 80-conductor ah waayo akhbaar badana wuu qaadikaraa khadadka kalene kuma xadgudbikaraan (reduced interference). Nooca Hard Drive ee SATA wuxuu isticmaalaa Serial Cable oo 7-pin leh wxaana la badali karaa kambuutarka oo shidan haduusan markaas aheyn kan Operating System ku xiran yahay. Nooca sadexaad ee Hard Drive ee kambuutarka gudihiisa lagu xiri karoo waa SCSI oo dhawaaqiisu ayahay "Iskasi". Badanaa SCSI waxaa loo isticmaalaa Servers ka, data cable kiisana waxaa lugu xiri karaa 7 ama 15 drive waana inuu lahadaa meel uu ka bilowdo iyo meel uu ku dhamaado (Terminator point).

Hadaba waxaan ka hadalay noocayada Hard Drive ka kambuutarka gudihiisa lagu xiri karo. Sidoo kale Hard Drive wuxuu ku imaan karaa qaab in lagu xiro kambuutarka isagoo banaankiisa yaal. Waxaa noocan loo yaqaan External Hard Drive ama Keydiya Banaanka. External Hard Drive wuxuu badanaa ku yimaadaa USB, SATA oo noociisu yahay ESATA ama External Sata, iyo sidoo kale SCSI.
Hard Drive markaad kambuutarka ku xirtid sidaan horay u xusnayba Controller ka Motherboard ka kuxiran ayaa maamula oo uma baahna Software ama Drivers in lagu xiro. Waxa kaliya ee mihiim ah waa, hadii aad labo ATA Hard Drive ah aad iskula xireysid hal cable waa inaad mid ka dhigtaa "Master" midna “Slave”. Waxaa Hard Drive ka kadhiga "Master" ama "Slave" caagag yaryar oo meeshay ku jiraan labadalo. Caagagaan waxaa loo yaqaan Jumpers.
Bookmark and Share
Qoraha: esomali.comWakhtiga Laqoray: 2009-09-13
Qiimee ama u codee qoraalkan
 
Qorayaasha
Gal - Login
Isqor - Register
Linkiyada
Ufeyn.com
Consumervote.com
BestMuslim.com
PCTalkNet.com
 
Wixii akhbaar ah iyo hadaad casharo noosoo gudbineysid nagala soo xiriir email ka: admin@esomali.com
Design By KWWebService.com
Barashada computer ka, wax barashada, cilmiga guud, barashada technology ga, barashada windows ka, barashada dhaqaalaha, barashada afsoomaaliga, barashada somaliga.