Sidee loo sameeyaa? - Bar ama Baro
Barashada = Aqoonta
Qor Qoraal :: Qor Su-aal :: Su-aalaha :: Qoraa Noqo :: Forum
English RRS Feeds
 
 
Baar Bogan
Maadooyinka Casharada
Xayeysiinta
Visitors September: 9989
Caruurk ilaaliyaha ama Windows Vista Parental Control
Bookmark and Share
Caruur ilaaliyaha (Windows Vista Parental Control) waa qeyb loo dhisay inay ka caawiso waaridka inay la socdaan ama ka celiyaan caruurtooda wax yaalaha cun cu ama meelaha cun cun ee internet ka.
Caruur ilaaliyaha (Windows Vista Parental Control) wuxuu kuu sahlayaa inaad qof u ogaalatid web site yada iyo borogarama uu isticmaali karo ama ka xirtid kuwa uusan isticmaali Karin.
Caruur ilaaliya Windows Vista waxuu la socotaa nakhsadaha Home Basic, Home Premium iyo Ultimate.

Si aad u set gareesid ama u isticmaashid Windows Vista Parental Control raac tusaalahan. Waa in aad tahay Administrator ama maamulaha kombuutarka;

1. Guji Start hadana guji Control Panel


2. Markuu Control panel ku furmo, labojeer guji Parental Control


3. Labo jeer guji isticmaalaha aad rabtid inaad xadidid
a. Meesha oroneysa Parental Controls On ka dhig
b. Meesha oraneysa Activity Reporting on ka dhig hadaad rabtid inaad ogaatid sida uu qofkaasii u isticmaalay kombuutarka.

4. Waxaad gujisaa linkiga Windows Vista Web Filter
a. Hadaad rabtid inaad Windows u daysideyada qaarkood sida kuwa erayada xun xun ku qoran yahiin. Waxaad xulataa Block Some Websites or Contents.
b. Hadaad rabtid inaad xulatid website yada aad o gashay, waxaad xulataa Only allow websites that are on the allow list. Kabacdi guji linkiga Edit the allow and block list. Qor website ka aad ogashay kabacdi guji botonka oranaya allow.

c. Guji ok markaad dhameysid.

5. Hadad rabtid inaad xadidid wakhtiga uu isticmaali karo kombuutarka waxaad gujineysaa linkiga Time Limits, kabacdina hightlight garee wakhtiga aadan rabin inuu isticmaalo kombuutar sa ka muuqata sawirka hoose


6. Hadaad rabtid inaad u diidin inuu game ciyaaro waxaad gujineysaa Games linkiga kabacdi u diid inuu game ciyaaro ama xulo nooca games ka aad u ogashahay iyo kuwa aad u diidantahay.

7. Sidoo kale waxaad u diidi kartaa borogaram. Guji Allow and block specific program linkiga si aad ugu diidid program.
Bookmark and Share
Qoraha: esomali.comWakhtiga Laqoray: 2009-05-03
Qiimee ama u codee qoraalkan
 
Qorayaasha
Gal - Login
Isqor - Register
Linkiyada
Ufeyn.com
Consumervote.com
BestMuslim.com
PCTalkNet.com
 
Wixii akhbaar ah iyo hadaad casharo noosoo gudbineysid nagala soo xiriir email ka: admin@esomali.com
Design By KWWebService.com
Barashada computer ka, wax barashada, cilmiga guud, barashada technology ga, barashada windows ka, barashada dhaqaalaha, barashada afsoomaaliga, barashada somaliga.