| Baar Bogan |
|
|
| Maadooyinka Casharada |
|
|
|
Is-intixaan Madadaalo aqoon siyaadsi
|
| Xayeysiinta |
|
|
| Visitors September: 46972 | |
|
| Wadaagida Folders ka ee Windows Vista |
Casharkan waxaan ku eegeynaa sida loo wadaago Folders oo loo wadaajiyo dhowr isticmaale oo hal Network ama kambuutaro isku xiran loo isticmaala. Wadaajinta Folders waxaa loo yaqaan Folder Sharing. Waxaad awood u siin kartaa folder kaas in ay wax ku keydshaan, wax ka tirtiraan, ama ay waxyaalaha ku jira uun akhristaan taas oo micneheedu yahay inaad xadidi kartid isticmaalka folder ka adoo la wadaagaya isticmaalasha kambuutarka ama Network ga. Xadidaadaas waxaa loo yaqaan Sharing Permissions. Waxaa jirta xadidaad kale oo local ah aad xadidi kartid isticmaalka Folder ka oo looyaqaan NTFS Permissions. Qofkasta kasta oo Folder isticmaalaya waa inuu heystaa NTFS Permissions ka folder ka, qofkasta kasta folder ka isticmaalaya kambuutar kale ama folder qof kale sameeyey waa inuu heystaa Sharing Permissions.
Markaad Folder wadaagtid qofkasta oo aad isku Network tihiin folder wuu arkayaa, qofkii aad awood u siisid ayaa isticmaali kara. Markaad folder ka sameysid qofkasta ayaa isticmaali kara hadaadan badalin Sharing Permissions ka. Hadaad rabtid inaan folder ka network laga arkin aad qarisid magaca folder $ horay kaga dar saan oo kale $magacafolderka.
Wadaagida Folder ka
Lasoco talaabooyin hoose ee ku tusaya sida loo wadaago folder loona xadido isticmaalkiisa.
Sameynta Folder
1. Guji Start, hadana guji Accessories, kabacdi guji Windows Explore. Waxaad kale oo kuqirkartaa meesha baarista ka koreysa Start magaca Windows Explore markuu soo baxana gujinkartaa. Waxaa furmaya Windows Explore ka.

2. Xulo meesha aad rabtid inaad folder ka ku keydisid kabacdi dhanka midig u guji meel banaan ee Windows Explore ka mid ah kabacdi xulo New hadana guji Folder. Waxaa sameysmaya Folder. Magac u bixi. Magaca folder waxaad ku badali kartaa adoo dhanka midig u gujiya kabacdi gujiya Rename oo qora magaca folder ka.
Wadaaga Folder ka
3. Dhanka midig u guji folder aad sameysay kabacdi guji Properties. Waxaa furmin daaqada Folder Properties.

4. Guji tab ka Sharing ee dhanka kore.

5. Guji Share. Waxaa furmaya daaqad aad ka badali karitd ogolaanshaha ay heystaan isticmaalayaasha Network ga ama kambuutarka.
6. Xulo isticmaalaha ama Everyone (dadkoo dhan) kabacdi guji Add.
7. Xulo ogolaanshah uu heysto qofkasta.
Co-owner wax kasta ayuu ka badali karaa folder ay ku jirto inuu badalo ogaalanshaha dadka kale. Waxay la mid tahay Full Control kii Windows XP.
Contributor wax buu ku keydin karaa, wax buu ka tirtiri karaa, wuxuu sameyn karaa folder hoose, ama wuxuu sameyn karaa wax kasta aan ka aheyn inuu badalo ogolaanshaha folder ka. Waxay la mid tahay Change Permission kii Windows XP.
Reader wuxuu arki karaa oo akhrinkaraa wixii folder ka ku keydsan kaliya. Waxba kama badai karo.
8. Markaad ogolaanshaha dhameys tirtid guji Share.
9. Guji Done markii wadaagu dhameystimo.
10. Guji Close si aad u xirtid daaqada Sharing Propertie
| | Qoraha: esomali.com | Wakhtiga Laqoray: 2009-09-07 | Qiimee ama u codee qoraalkan | | | | |
|
|
|