Sidee loo sameeyaa? - Bar ama Baro
Barashada = Aqoonta
Qor Qoraal :: Qor Su-aal :: Su-aalaha :: Qoraa Noqo :: Forum
English RRS Feeds
 
 
Baar Bogan
Maadooyinka Casharada
Xayeysiinta
Visitors September: 8377
Maamulka Khasnada Keydka (Hard Drive) ee Windows Vista
Bookmark and Share
Khasnada Keydka ama Hard Drive waa meesha uu kambuutarka wax ku keydsho. Waxaa mihiim ah inaad lasocotid intuu qaadi karo, inta maran, iyo intaad isticmaashay iyo waliba inta keydiye ku xiran kambuutarka. Inta qeybood uu ka kooban yahay(partitions) halkii keydiye. Hard Drive ku wuxuu u kala baxaa labo nooc oo ah Physical (wax la taabankaro) ama keydiyaha bir ahaantiisa iyo Logical(wax aan lataabankarin) ama sida Windows u aragto. Kambuutarka waxaa ku xirmi kara dhowr Hard Drive ah. Halkii Hard Drive ba waxaad u kala qeybin kartaa ilaa 4 qeybood (4 Partitions). 4 taas qeybood, 3 waa (Qeyb hore) Primary Partition, 1 waa Ex tended Partition (Qeyb lafidiyey). Extended Partition ka waxaad ka sameynkartaa Logical Drives aan xadlaheyn. Markii kambuutarka Windows lagu xiro waxaa sameysma Partition (Qeyb) ta ugu horeysa oo Windows ku, ku keydsantahay. Waxaa Qeybtaas (Partion) kaas loo yaqaan Qeybta Shaqeysa (Active Partition).

Hadaba waxaa mihiim ah oo kaliya inaad ogaatid inaad kala qeybin kartid Hard Drive adoo sameynaya Logical Drives wata magacyada C: ilaa Z:. A iyo B ma isticmaali kartid waayo waxaa loo xadeeyey Floppy Drives ka.

Sameynta Qeybinta (Partition) Keydiyaha (Hard Drive)




1. Guji Start, dhanka midig u guji Computer, kabacdi guji Manage. Haduu ku weydiiyo ogolaansho continue guji.

2. Waxa furmeysa daaqada Microsoft Management Console. Dhank bidixda waxaa ka fidisaa Storage kabacdina guji Disk Management.

3. Hadaad rabtid inaad sameysid qeyb firaaqo ah ee hard drive kaaga ka mid ah, dhanka midig u guji keydiyaha aad rabtid inaad qeyb firaaqo ah ka sameysid kabacdi guji Shrink Volume kabacdi qor intaad rabtid inaad yareysid baaxad ahaan dabadeed guji ok.

4. Waxaa sameysmaya qeyb ah Unallocated Space sida sawirka hoose ka muuqata. Hadaba dhanka midig u guji qeybta ah Unallocated Space kabacdi guji Create New Volume.


5. Qor ama xulo baaxada qeybta keydiyaha aad sameyneysid kabacdi guji Next.

6. Xulo xarafka qeybta keydiyaha aad sameyneysid magaca u ah kabacdi guji Next.

7. Daaqada soo bixi doonta Next guji. Waa inay ahaataa NTFS kabacdina guji Finish.




Sida sawirka ka muuqata Disk Management waxaad ka ogaan kartaa inta Keydiye Hard Drive, CD/DVD, iyo External iyo Thumb Drive ku xiran kambuutarka iyo waliba inta halkii Hard Drive uu u kala qeybsanyahay.



Bookmark and Share
Qoraha: esomali.comWakhtiga Laqoray: 2009-09-01
Qiimee ama u codee qoraalkan
 
Qorayaasha
Gal - Login
Isqor - Register
Linkiyada
Ufeyn.com
Consumervote.com
BestMuslim.com
PCTalkNet.com
 
Wixii akhbaar ah iyo hadaad casharo noosoo gudbineysid nagala soo xiriir email ka: admin@esomali.com
Design By KWWebService.com
Barashada computer ka, wax barashada, cilmiga guud, barashada technology ga, barashada windows ka, barashada dhaqaalaha, barashada afsoomaaliga, barashada somaliga.