Sidee loo sameeyaa? - Bar ama Baro
Barashada = Aqoonta
Qor Qoraal :: Qor Su-aal :: Su-aalaha :: Qoraa Noqo :: Forum
English RRS Feeds
 
 
Baar Bogan
Maadooyinka Casharada
Xayeysiinta
Visitors September: 8377
Sameynta Sadarka Geeska (Sidebar) ee Windows Vista iyo ku darida Gadgets ka
Bookmark and Share
Sadarka Geeska ama Sidebar ee Windwos Vista waa daaqad dhuuban ee kasoo baxda dhanka midig ee wajiga Windows Vista. Waxaad kasoo saari kartaa borogaramo yar yar oo loo yaqaan Gadgets. Gadgets ka aad kasoo saari kartid waxaa ka mid ah saacada, jadwalka taariikhda (Calendar), wararka, sarifka, qiimaha suuqa, cimilada, kalkuleytarka, sawiro, iyo wax yaale kaleba.

Hadaba casharkani wuxuu ku saleysan yahay sameynta Sidebar ka iyo sida loogu daro ama looga reebo Gadget.

Habeynta Windows Vista Sidebar
1. Guji Start, kabacdi guji Control Panel. Waxaa furmaya Control Panel ka oo ah meesha laga maamulo qeybo kala duwan ee Windows ka, ka mid ah.

2. Waa inaad joogtaa wajiga Control Panel ka ee Control View. Hadaadan joogin guji khadka dhanka bidix ee oranaya Control View.


3. Guji Appearance and Personolization. Waxaa furmaya daaqada Controle Panel ka ee laga habeeyo Appearance & Personaization. Qeybta ugu hooseysa waa Windows Sidebar



4. Hadaad Gadget ku dareysid Sidebar ka guji Add gadgets to the sidebar oo ah linkiga ka hooseya Windows Sidebar Properties. Kabacdi labo jeer guji (double-click) Gadget ka aad rabtid. Waxaad kale oo Internet kasoo dajinkartaa Gadgets cusub hadaad gujisid Get More Gadgets Online



5. Hadaad rabtid inaad wax ka badashid sida Gadget ku isoo baxo, guji Windows Sidebar Properties kabacdi waxaad xulan kartaa dhowr arimood.

a. Tan ugu horeysa aad xulankartid waa inaad isticmaashid Sidebar ama damisid. Xulo Start Sidebar when windows starts hadaad rabtid inaad isticmaashid Windows Sidebar.

b. Tan labaad waa inaad xulatid hadaad rabtid inay markasta Sidebar ku muuqaato xataa hadii borogaramo furan yihiin. Hadaad rabtid inaad taas sameysid xulo Sidebar is always on top of other windows.

c. Tan sadexaad waa xulashada inaad kasoo saartid Sidebar dhan ka midig ama dhanka bidix. Hadaad rabtid inay dhanka midig kasoo baxdo xulo Right hadii kale xulo dhanka bidix ee ah Left.

6. Tan afraad waa inaad aragtid Gadget hada saaran Sidebar aad ka tirtirtid kuwaadan rabin. Guji View List of running Gadgets kabacdi waxaa soo baxaya Gadgets ka hada saaran Sidebarka. Xulo kaad rabtid inaad tirtirtid kabacdi guji Remove
Bookmark and Share
Qoraha: esomali.comWakhtiga Laqoray: 2009-08-30
Qiimee ama u codee qoraalkan
 
Qorayaasha
Gal - Login
Isqor - Register
Linkiyada
Ufeyn.com
Consumervote.com
BestMuslim.com
PCTalkNet.com
 
Wixii akhbaar ah iyo hadaad casharo noosoo gudbineysid nagala soo xiriir email ka: admin@esomali.com
Design By KWWebService.com
Barashada computer ka, wax barashada, cilmiga guud, barashada technology ga, barashada windows ka, barashada dhaqaalaha, barashada afsoomaaliga, barashada somaliga.