| Baar Bogan |
|
|
| Maadooyinka Casharada |
|
|
|
Is-intixaan Madadaalo aqoon siyaadsi
|
| Xayeysiinta |
|
|
|
|
|
| Habeynta (Customizing) Start Menu ga Windows Vista |
Waxaad wax ka badali kartaa sida Windows Vista Start Menu u soo baxdo (Default Start Menu) sida muuqaalka, inta borogaram ay soo saarto ama xulankartaa borogaraamada kasoo baxa Start Menu ga. Hadaba si aad taas u sameysid la soco talaabooyinka hoose:

1. Dhank midig u guji botonka Start, kabacdi guji Properties. Waxaa furmaya daaqada Taskbar & Start Menu Properties.
2. Guji Customize. Waxaa furmaya daaqada Customize Start Menu. Hadaba halkan ayaa laga badala borogaramada kasoo baxa Start Menu ga iyo baaxadeeda. Wax yaalaha aad badali kartid waxaa ka mid ah.
a. Borogaraamda ugu danbeeyey, inta borogaram aad rabid inaad soo saartid
b. Inta Icon ama sawir borogaram aad rabtid inay Start Menu soo saarto oo qaado.
c. Habka aad rabtid Start Menu inay wax u soo saarto sida Link ama Menu.
d. Borogaramo siyaado ah aad kasoo saari karto sida CMD – Command Prompt Waxaad kale oo xulan karta Internet Browser ka (sida Explore ama Firefox) iyo borogaram ka email ka sida (Windows Mail ama Outlook)
3. Markaad habeynta dhameystirtid guji Ok, hadana guji Ok si aad ugu laabatid wajiga hore ee kambuutarka.
| | Qoraha: esomali.com | Wakhtiga Laqoray: 2009-08-30 | Qiimee ama u codee qoraalkan | | | | |
|
|
|